DF oo Ka Fiirsanaysa Waqti Lagu Kordhiyo Isku Soo Dhiibista Al-shabaab

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka Soomaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed  ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay ka fiirsanayso in muddo lagu kordhiyo xiliga ay isku soo dhiibanayaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo dhawaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo.

Waxa uu sheegay inta uu xilka hayo ay Dowladda Soomaliya isku soo dhiibeen 52-dagaalyahanada oo labo kamid ah isaga gacantii ku wareejiyay, islamarkaana ay da’dooda u dhaxayso 15 ilaa 20 ayna kasoo baxasadeen Al-shabaab-ka ku sugan deegaanka Gandarshe oo u dhaxeysa Jaziira  iyo Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Mudada aan xilka hayo waxaan gacanteeda ku wareejiyay 2-dhalinyaro ah oo kasoo goystay Al-shabaab, waxay kasoo baxsadeen deegaanka Gandarshe oo u dhaxeeya Jaziira iyo Magaalada Marka, tirade guud ee Al-shabaab kasoo baxay waa 52-dagaalyahan, cafiskii uu sameeyay madaxweyne farmaajo labo bilood ka hor waa uu dhamaaday, dowladda Soomaliya waxa ay ka fiirsan doontaa in ay waqti ku kordhiso”, ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda federaalka Soomaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed .

Bishii April  aynu soo dhaafnay ayuu madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo waxa uu ku dhaawaqay in Al-shabaab ay isku dhiibi karaan muddo 2-bilood ah, hadii ay dhamaatana ay dowlada Talaabo qaadi doonto.