Magaalada Muqdisho Oo Ka Adkaatay Dhiggeeda Mombasa, Iyo Fallanqayn Ku Saabsan Tartanka Kubadda Kollayga Magaalooyinka Afrika

koox ku ciyaaraysay magaca magaalada Muqdisho ayaa xalayto guul muhiim ah kasoo hoyday tartanka magaalooyinka barriga iyo bartamaha Afrika ee lagu marti galinayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

kulankooda koowaad ayeey la ciyaareen isla magaalada Marti sooraysa tartanka ee Mombasa, wiilasha kubadda kollayga Soomaaliyeed ayaa kaga adkaaday natiijo wanaagsan oo ka saacidi karta in ay meel wanaagsan ku dhammeeystaan tartanka xilli ciyaareedkan.

83- oo ay keensadeen wiilasha Soomaaliya ayeey kaga adkaadeen dhiggooda Mombasa oo keensatay dhibco gaaraya 62-, farqiga u dhaxeeya cid walba ayaa garan karta, sidaa darteeda Soomaaliya sannadkan waxa ay kamid tahay waddamada looga cabsida qabo in ay ku guuleystaan tartanka loogu magac darray Africa City Challenge.