Sawirro: Shaqooyin Loo Balan Qaaday Guddoomiyeyaashii Xilka Laga Qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xalay afur u sameeyay Guddoomiyeyaashii xilka laga qaaday ee degmooyinka Gobolka Banaadir, oo haatan u muuqda kuwa aan shaqo haynin.

Madaxweynaha ayaa Guddoomiyeyaashii xilka laga qaaday ee degmooyinka Gobolka Banaadir ka xog wareystay aragtiyo kala duwan, oo ku adan xaaladda Siyaasadeed ee dalka oo xiligaan ku jiro, waxayna Gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir kaga mahadceliyeen Madaxweynaha afurka uu u sameeyay.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegay in Madaxweynuhu u balan-qaaday Gudoomiyayaashii hore ee Degmooyinka Gobolka banaadir  in Wasaaradaha dowladda laga shaqaaleyn doono, isla markaana CV-gooda u soo gudbiyaan, si qof walba meesha uu ku wanaagsan yahay loo geeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka, shaqadii ay qaranka u soo qabteen, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Guddoomiyeyaashii hore iyo Guddoomiyeyaasha cusub ay wada shaqeeyaan, isagana uu kala hadli doono, sidii talooyinkooda ay u dhageysan lahaayeen.