Akhriso:-Dowladda Soomaliya oo Soo Saartay Amaro Culus

Hay’adda Amniga Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa mar kale soo saaray amaro culus uu ku aadan xasilinta amniga Caasimadda magaalada Muqdisho.

kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiirka Amniga Gudha Xukuuamadda Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) Taliyaasha Booliska, Xoogga dalka Somaliyeed Jeneral, Jeneraal iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Nisa C/laahi Sanbaloolshe ayaa ayaa lagu saaray amaro cusub oo ku aadan amniga Magaalada Muqdisho.

1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa talaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xeraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 Julaayo ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo talaabo Sharciga waafaqsan laga qaadayo.