Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Degmada Afgooye

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Shabaab ayaa xalay wuxuu ka dhacay Degmada Afgooye, kadib markii Shabaab ay soo weerareen Degmadaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa Al Shabaab waxa ay ku beegsadeen Saldhigyada Ciidamada Xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay dagaalka in lagu dilay dagaalyahano Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ah kuwii weerarka soo qaaday.

Xaaladda Degmada Afgooye ayaa saaka waxa ay tahay mid degan, dagaalkii xalay ayaa Shabaab waxa ay uga jawaabayeen weeraradii shalay subax ciidamada Danab ay ku qaadeen degaanada Awdheegle, Mubaarak iyo Farsooley oo ka tirsan Shabellaha hoose.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo Al Shabaab ay weeraraan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, todobaadkaan gudihiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply