“Halka Ay Idaacadda Andalus Martay Ayeey Shabaabna Marayaan!!” Caanood

0

Abaandduulaha ciidanka qalabka sida Cabdullahi Caanood ayaa xaqiijiyay in ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee Danab ay weerarro iyo duqeymo ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka ayaa bartilmaameedsaday saldhigyo Shabaab ku fekerkoodu ku faafin jiray, gaar ahaan goobaha warbaahinta.

Taliye Caanood ayaa xaqiiijiyay in ay burburiyeen dhismaha iyo qalabka idaacadda codka kooxdaas ku hadasha ee Andalus taas oo fariisimaheedu ahaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waan wedi doonnaa baacsiga kooxaha nabad diidka, oo halka ay galaan ayaan ka daba geli doonnaa, shabaabna wuxuu mari doonaa halka ay martay idaacaddoodii Andalus oo waan burburin doonnaa haraadigooda” ayuu Taliye Caanood u sheegay warbaahinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli wadda qorshayaashii lagu soo gaba gabeyn lahaa haraadiga kooxda Khawaarijta Alshabaab, ee ka dagaalanta Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply