Caloolyoow Mise Cadaadis; R/W Kheyrre Muxuu Dareemayaa?

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa saaran sida ay sheegayaan ilo hoose kawaanka bixitaanka maaddaaama uu heshiis qabyo u yahay dowladda iyo xisbiyada mucaaradka.

Cabsi badan iyo wel wel ayaa ku furan Xasan Cali Kheyrre, maaddaama uu tolnimo kasoo waayay odayaasha beelaha Hawiye oo uu todobaadkii hore bartamihiisa shiriyay.

Culeyska heysta wuxuu kaga imaanayaa dhanka geeddi socodka wada hadallada u dhaxeeya dowladda dhexe iyo xisbiyada Daljir iyo Damul Jadiid.

Todobaadkii tegay ayeey ahayd markii Nairobi ay ku kulmeen saraakiil ka kala socotay dowladda dhexe, Damjadiid iyo Deljir ba, si loo dhammeystiro wejiga labaad ee wada hadallada saddex da dhinac.

Bishii November ee sannadkii tegay ayeey ahayd markii Turkiga ay ku kulmeen madaxda ugu sareeysa xisbigii talada dalka lagala wareegay ee Damul Jadiid iyo dowladda Soomaaliya.

Kulamada goos gooska ah ee u dhaxeeya dowladda iyo xisbiyada Mucaaradka ayeey keenay in uu dhaqdhaqaaqa yareyo ra’iisul wasaare Kheyrre oo looga bartay dhaqdhaqaaq iyo saameyn dhanka warbaahinta ah.

Cabsida ugu badan ee uu dareemayo Kheyrre waa in xilli hore ay heshiiyaan labada xisbi ee Damul jadiid iyo Deljir oo midkood la siin doono ra’iisul wasaaraha soo aaddan ee Kheyrre baddali doona.

Si kastaba ha ahaatee Lixda bilood ee soo aaddan ayuu qorshuhu yahay in lasoo dhiso dowlad wadaag loo dhammeystiran yahay dhinacyada kale duwan ee heshiisku quseeyo, taas oo daaqadda ka saareysa ra’iisul wasaare Kheyrre.

You might also like More from author

Leave A Reply