Waa Kuma Qofka Loo Magacaabi Rabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya?

0

Axmed Xaashi Taajir oo horey usoo noqday taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Soomaliya ayaa lagu wadaa in loo doorto loona magacaabo taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaliya.

Taliyaha ayaa hadda kusugan Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Jaziira, halkaas oo uu kusugayo magacaabista xilkaas, maaddaama uu yahay qof wax badan kusoo jiray.

Axmed Taajir ayaa qeyb ka ahaa xasuuqii dowladdii Cabdullahi Yuusuf ay ka geysatay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 2007-09-kii, waxaana lagu xasuustaa jirddilka iyo baacsiga dadka reyidka ah.

Film laga sameeyay afar qofood oo heysatay dhalashada dalka Ingiriiska islamarkaana xasuuq ka geystay Soomaaliya ayuu Axmed Taajir qeyb ka ahaa, waxaana ku wehliyay Maxamed Warsame Darwiish oo ahaa taliyihii ciidanka nabad sugidda NSA, Maxamuud Maxamed Guuleed Gacma dheere wasiirkii arrimaha gudaha dowladdii TFG, Cabdilahi Yuusuf oo ahaa madaxwaynaha Soomaaliya xilligaas iyo Axmed Taajir oo ahaa taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee waa qof xasuuq geystay oo dacwad ay kusocotay, waxaana caddeymo kugu filan filimka “Dispatch:- Warlord Next Door” ee ay diyaariyeen Channal 4 sannadkii 2008-dii.

You might also like More from author

Leave A Reply