Xaaladda Caafimaad Ee Qalbi Dhagax Oo Warar Dheeri Ah Laga Helay!

0

Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee ururk gobanimo u dirirka ONLF, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dhiggeeda Ethiopia xilli dhexe oo kamid ah sannadkii tegay.

Hirmooge oo ah sarkaalka ugu sareeya ONLF ayaa sheegay in Qalbi Dhagax ay xaalad caafimaad xumo ay ku heysato xabsi ku yaalla Adis Ababa halkaas oo lagu xiray markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay Ethiopia.

Si kastaba Hirmooge ayaa sheegay in Farmaajo hadda looga baahneyn in uu baarlamaanka ku raaco kiiska Qalbi Dhagax islamarkaana ay ahayd in kal hore uu sidaas u hadlo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horaan u gacan gelisay Ethiopia Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax kaas oo ka tirsanaa ururka gobanimo u dirirka ONLF.

You might also like More from author

Leave A Reply