Qaramada Midoobay Oo Si Dadban Uga Hadashay Kiiska Qalbi Dhagax Iyo Siyaasiyiin Kale Oo Ethiopia U Xiran!

0

Guddiga xuquuqul insaanka qaramada Midoobay ee xafiiskooda Geneva ayaa war kulul kasoo saaray cadaadiska dowladda Ethiopia ay ku heyso siyaasiyiinta iyo dadka kasoo horjeeda xukuumaddaas.

Kaddib markii todobaadkii tegay xabsiga laga sii daayay 115-qofood oo hoggaamiyayaal u ahaa xisbiyo iyo ururro siyaasadeed oo dalkaas ka jiray, haddana waxaa weli isa soo taraya eedeymaha iyo cadaadiska lagu hayo siyaasiyiinta iyo ururrada kasoo horjeeda dowladda Adis Ababa.

Arbacadii lasoo dhaafay ayeey markii xabsiga laga sii daayay Merera Gudina, oo ahaa hoggaamiyihii ugu sareeyay xisbiga Oromo Federalist Congress party ee ay leeyihiin qowmiyadda Oromada.

Waxaa jira shakhsiyaad kale oo weli kujira xasbiyada Ethiopia oo uu kamid yahay hoggaamiyihii mucaaradka ururka ONLF ee ka dagaallama gudaha dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Ethiopia ay ku qasban tahay in ay xabsiga kasii deyso cid kasta oo ka aragti duwan dowladda oo mucaarad ku ahayd.

Waxaa socda wada hadallo u dhaxeeya ONLF iyo xukuumadda Adis Ababa, kaas oo hadda meel wanaagsan maraya, ha yeeshee hadalka Qaramada Midoobay waxa uu yahay mid imaanaya iyadoo muran badan uu ka taagan yahay arrinta Qalbi Dhagax oo xaalad caafimaad darro kusugan sida ay sheegeen maamulka ugu sareeya xisbiga ONLF.

You might also like More from author

Leave A Reply