Itoobbiya Oo Bartamaha Sannadkan Taariikh Qurux Badan U Dhigeysa Qaaradda Afrika!

0

Shirkadda duulimmaadka Ethiopian Airlines oo ah shirkadda ugu balaaran ee arrimaha duulimaadka ka shaqeeya ee Afrikaantu leeyihiin oo kaashaneysa shirkadda SKYTRAX ayaa isku day cajiib ah u sameyn doona qaaradda Afrika taariikhda markii ugu horreysay.

2-da June ee Sannadkan 2018-ka, marka la gaaro duulimaadkii ugu horreeyay taariikhda ka baxa Adis Ababa ayaa aadi doona dalka Mareykan ka.

Adis Ababa To Chicago safarka ah ayaa la sameyn doonaa bartamaha sannadkan, rakaabka diyaaradda raaci doona ayaa ka kala imaan doona gebi ahaan qaaradda Afrika dacalladeeda ka duwan.

Tewolde GebreMariam oo ah madaxa fulinta shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in ay noqdaan dalkii ugu horreeyay ee Afrika ah kaas oo sameeya duulimaad toos u taga dalka Mareykan ka.

“Saldhig ayeey u ahaan doontaa duulimmaadka qaaradda, farxad iyo sharaf ayeey inoo tahay middaas, waana ay socon doontaa guulaha aan kasoo hoyneynno dhanka duulimaadka”¬†Tewolde GebreMariam.

Ethiopia ayaa sameyneysa hormar dhan kasta marka loo eego qaaradda inteeda kale, waxaana ay kamid tahay waddamada sida xowliga ah u koraya caalamka saddex aad.

You might also like More from author

Leave A Reply