Dekadda Muqdisho Oo Sabab Layaab Leh Muddo Todobaad Ah Aan U Shaqeyn!

0

Wasaarradda maaliyadda Soomaaliya ayaa canshuur kordhin dheeri ah ku sameysay ganacsatada Dekedda magaalada Muqdisho.

Iskaashatada ay ku mideysan yihiin ganacsatada ka shaqeysa dekedda wayn ee magaalada Muqdisho ayaa sameyay shaqo joojin ay kaga falcelinayaan canshuurtaas waalli ay ku tilmaameen ee ay kusoo rogtay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Shir Jaraa’id oo ay qabteen ganacsatada ayeey kusoo saareen war Murtiyadeed dhowr bog ka kooban, qodobbada looga dooday ay ka mid ahaayeen:-

1. Dekadda Muqdisho waxa ay ka qarash iyo canshuur badantahay dekadaha ka jira Soomaaliya taasi oo keentay in ganacsatada Muqdisho ay ku qasaaraan badeecooyinka ay ka soo dejiyaan dekadda, maadaama aysan la tartami Karin badeecooyinka kale ee laga soo dajiyo dekadaha kale ee dalka lagana qaado canshuur ka yar tan muqdisho.

2. Waxaan xasuusineynaa madaxda in  ganacstada gobolka Banaadir ay yihiin ganacstada ugu canshuurta bixinta badan dalka ayna si gaara iskaga xilsaareen dhismooyinka wadooyinka Muqdisho iyo arrimaha la xiriira gurmadka iyo taakuleynta dadka nugul oo dhibaatada ka soo gaartay abaaraha wadanka.

3. Waxaan ka codsaneynaa wasaaradda maaliyadda in canshuuraha xad dhaafka ah ee dusha laga saaray ganacsatada gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameyso

You might also like More from author

Leave A Reply