Banaanbax ka Dhan ah shirka Dhuusamareeb oo ka dhacay Cadaado?

0

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud maanta oo Khamiis ah ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo shirweynaha Galmudug iyo Ahlusuna ee magaalada Dhuusa-mareeb.

Banaanbaxan oo ka dhacay wadooyinka waa weyn ee magaalada Cadaado ayaa waxaa horkacayay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug, sida ay inoo sheegeen Wariyeyaasha halkaasi ku sugan.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween iyo caruur ayaa waxa ay wateen boorar waa weyn oo ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin doonimeyno heshiiskii Jabuuti, doonimeyno shirka Dhuusa-mareeb.

Banaanbaxayaasha ayaa heshiiska Dhuusa-mareeb ku sheegaya mid aan caddaalad ahayn, waxaana Odayaasha Cadaado maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha Galmudug ku dhaliilayeen in uu saxiixay heshiis aan loo dhameyn.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya in siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta Magaalada Cadaado ku matala dowladda Federaalka ah iyo maamulka Galmudug ay tagaan Cadaado si arrintaas wax la isaga weydiiyo.

Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ka tirsan gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug ayaa shalay gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Cadaado, iyaga oo ka baxay magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana ujeedada socdaalkooda ahaa in kulamo xal loogu raadinayo tabashada waxgaradka reer Cadaado ay la qaataan, balse natiijo ayay soo laabteen maanta.

You might also like More from author

Leave A Reply