Bambooyin Lagu Weeraray Muqdisho goob Fariisin Ciidamada DF Ay Ku Leeyihiin?

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa bambooyin xalay lagu weeraray Fariisin Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku leeyihiin Buundada labaad ee degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.

Bambooyinkaan oo ahaa kuwa gacanta laga tuuro ayaa la sheegay in lagu tuuray Buundada labaad ee degmada Xamarjajab, xilli halkaasi ay joogeen ciidamo katirsan kuwa dowladda somaaliya oo ku leh goobta fariisin weerarka bambaanooyinka gacanta  lagu qaaday.

ilo dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in aan weli la xaqiiji karin qaraxyadaasi khasaare ka dhashay, hase ahaatee qaraxyadaasi kadib ay maqlayeen rasaas xooggan oo ay rideen ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta weerarka Bambaanooyinka gacanta ahaa lagu weeraray.

Dhanka kale, ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda Soomaaliya ayaa saakay waxay aagaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, laguna baadi goobayo ragii ka danbeeyay weerarkaasi loo adeeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ee aan ilaa hada la xaqiijin qasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale habeen hore sidaan oo kale waxa’ bambo gacmeed lagu weeraray Saldhiga Degmada Kaaran, ee gobalka Banaadir waloow qasaaraha rasmiga ee ka dhashay aan la ogaan.

You might also like More from author

Leave A Reply