SAWIRRO: QM oo sheegtay in Somalia u baahan tahay $1.6 Bilyan?

0

Xasan Cali kheyre Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kaga qeyb galay Kulan looga hadlayay Qorshaha Arimaha Bini’aadanimada Soomaaliya Ee 2018 oo ay soo qaban qaabisey Qaramada midoobey.

Waxaa sidoo kale kulankaan ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Qaramada midoobey Midowga Afrika ururo Caalami ah iyo Hay’adaha Xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Raisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo wanaagsaneyso xaga xuquuqul insaanka Marka loo Eego sida meesha looga saarey Dhacdooyinka Bini’aadanimada Ee ka dhici jirey Degaanada Soomaaliya sida kufsiga jirdilka iyo Waxa soo raaca.

Masuuliyiinta Qaramada midoobey ayaa sheegay in loo baahan yahay Hal dhibic Lix Bilyan Oo doollar US$1.6 Billion si loogu Caawiyo Shan dhibic Afar milyan oo Qof 5.4 Million oo u baahan Gargaar bini’aadanimo.

1 21
1 21
2 19
2 19

You might also like More from author

Leave A Reply