Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusa-mareeb

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), xubnaha labada Golle ee Galmudug iyo dadweyne fara badan oo Haween iyo caruur u badan.

Madaxweynaha oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweyntiisa ka mahadceliyay, wuxuuna sheegay shacabka Dhuusa-mareeb in ay yihiin kuwo jecel nabada iyo hormarka, isaga oo balan qaaday in Dowladda Federaalka ay si dhow ula shaqeyn doonto.

Magaalada Dhuusa-mareeb oo si aad ah loo diyaariyay ayaa Madaxweynaha lagu soo dhaweeyay, waxaana wadooyinka qaarkood iyo Madaxtooyada cusub ee Galmudug-ba lagu dhajiyay Calanka Soomaaliya.

Dhuusa-mareeb oo martigelineysa wufuud kala duwan ayaa sidoo kale maanta waxaa gaaray qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Sida uu qorshaha yahay maalinta berri ah magaalada Dhuusa-mareeb waxaa ka dhacaya shir weyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, Ciidamada ayaa sameeyay Howlgallo amni xaqiijin ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda Dowlad Goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

You might also like More from author

Leave A Reply