Xukunkii Ugu Waalnaa Adduunka!! Dad loo xiray cunto ay ku sadaqeysteen darbi jiif

0

Sagaal qof oo deggan California ayaa lagu oogay dacwad ka dib markii raashiin ay siiyeen dad guryo la’aan ah, waxaana lagu eedeeyay in ay jebiyeen sharci cusub oo mamnuucaya in goobaha dadka ay ku badan yihiin lagu wadaago cunto.

Kooxda raashiinka sadaqeysatay waxay ka soo horjeedaan amar degdeg ah oo lagu soo rogay magaalada El Cajon, kaas oo looga jawaabayo cudurka cagaarshowga oo ka dillaacay “qeybo ka mid ah California”.

Kooxdan waxay cunto, dhar iyo alaabo kale siiyeen dad derbi jiif ah, ka dib booliska ayaa goobta soo gaaray waxayna soo saareen amar.

Xannuunka cagaarshowga wuxuu ku faafi karaa cunidda raashiin wasakheysan ama taabashada qalab uu caabuqa gaaray.

Cudurkan oo dhowaan bilowday wuxuu si wayn ugu fiday meelaha ay ku nool yihiin dadka guryo la’aanta ah, kuwaas oo halis badan ugu jiro xannuunka maadaama aysan haysanin nadaafad wanaagsan.

Warbaahinta gudaha waxay sheegayaan in golaha deegaanka ee El Cajon ay sharciga ansixiyeen bishii Oktobar ee sannadkii tagay.

Xeerka wuxuu mamnuucayaa in raashiin lagu qeybsado dhismayaasha dowladda ay leedahay gudahooda. Maamulka wuxuu tilmaamay in arrintan ay tahay tallaabo la isaga badbaadinayo cudurka cagaarshowga, laakiin dadka diidan waxay ku doodayaan in ciqaabtan ay cadaalad darro ku tahay dadka aan hoyga haysan.

Xigasho:- BBC SOOMAALI

You might also like More from author

Leave A Reply