DEG DEG :Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax Miino ayaa Goor dhow ka dhacay Agagaarka Saldhigga degmada Wartanabadda ee Magaalada Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ayaa la doonaayay in la la eegto ciidamada ka tirsan dowladda oo saarnaa gaari, waxaana la sheegay in Miinadda ay qaraxday markii u dhaafay gaariga ay saarnaayeen ciidamada.

Goob Qashin uu yaallay ayaa lagu Aasay Miinadda oo wadada dhinaceeda ah sida ay xaqiijiyeen dadka kunool Warta nabadda.

Qaraxa ayaa ahaa Mid xooggan oo inta badan laga maqlay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay.

You might also like More from author

Leave A Reply