Shabaab Oo Dagaal Qaraar Ku Qaaday Deegaannada Goof Gaduud, Buurey iyo Daynuunaay

0

Kooxda Shabaab ayaa baahisay in ay lahaayeen mas’uuliyadda weerarro ka dhacay deegaannada Goof Gaduud, Buurrey iyo Daynuunnaay.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa xaqiijinaya in kooxda Al Shabaab ay dhinacyo badan kasoo weerarreen  deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30KM ujira magaalada Baydhabo.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa magaalada dib uga laabatay, waxaana uu weerarka dhacay abbaaro salaaddii subax ee maanta.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, ha yeeshee dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in laba dhinac uu jiro khasaarro culus oo soo gaaray.

Waxaa adag qadka taleefoonka ee magaaladaas, taas oo diidaysa in aaan la xiriirno maamulka iyo mas’uulyiinta dowladda ee kusugan deegaannadaas.

Alshabaab ayaa beryihii lasoo dhaafay caadeystay weerarrada tooska ah ee lagu soo qaado goobaha iyo saldhigyada ciidanka dowladda ay ku leeyihiin magaalooyinka iyo tuullooyinka waa wayn.

You might also like More from author

Leave A Reply