Guddoomiye Thaabit Oo Soo Dhaweyn Lala Yaabo Loogu Sameeyay Dhuusa Mareeb

0

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Thabit Ab ayaa Xalay Magaalada Dhuusa mareeb waxaa loogu sameeyay Xaflad soo dhaweyn ah.

Xaflada waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan dowladda Dhexe iyo Galmudug, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Intii ay socotay Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso ka turjumaya Waxqabadka Maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa Wadaniyada iyo dowlad jaceyka loogu hadlayo.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabid ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka.

You might also like More from author

Leave A Reply