Farmaajo Iyo Wafddi Uu Hoggaaminayay Oo Gaaray Cadaado

0

Wafddi heer sare oo uu hoggaaminayo madaxwayne Farmaajo ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Weli waxaa socda safarkii madaxwaynaha ee gobollada dalka, waxaana uu maanta gaaray xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Galmudug.

Wefddiga waxaa u badnaa siyaasiyiin iyo shakhsiyaad caan ka ah gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaas oo soo dhoweynta madaxwaynaha qeyb wanaagsan ka qaatay.

Si kastaba ha ahaatee waa habeenkii 7-aad ee uu madaxwaynaha ka maqan yahay VILLA SOMALIA, isagoo ku mashquulsan safarka gobollada ee Puntland kasoo bilowday.

You might also like More from author

Leave A Reply