Gaas: “Xaaf inta uu madaxweynaha yahay guulo ayuu gaaray”

0

Gaas Iyo Xaaf

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu guulo muhiim ah gaaray intii uu madaxweynaha ka yahay Maamulka Galmudug.

Gaas,waxaa uu sheegay in Xaaf uu ku guuleystay xaqiijinta heshiiskii Galmudug iyo Puntland,sidoo kalena heshiis la gaaray Ururka Ahlu Sunna taas oo uu sheegay in ay muhiim u tahay Maamulka Galmudug.

Gaas,waxaa uu rajo ka muujiyay in inta uu Xaaf,madaxweynaha ka yahay Galmudug la dhameystiro heshiisyada Puntland iyo Galmudug,islamarkaana uu guul kaga tago.

Waxaa kale oo uu sheegay in Xaaf uu yahay Nin oday ah oo degaanka xasilllooni u horseeday marka loo eego ilaalinta heshiisyada Puntland,Galmudug iyo Ahlu Sunna.

C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga Gobolka Mudug uu muhiim u yahay bulshada labada dhinac islamarkaana ay iyaga wax u tareyso nabad ka dhalata Gobolkaasi Mudug.

You might also like More from author

Leave A Reply