DEG DEG:- Fanaannad Khadiijo Daleys Oo Canada Ku Geeriyootay

0

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in Fannaanaddii weyneyd ahaydna gabadhii ugu horreysay ee ka heesta Koofurta Soomaaliya Khadiija Cabdullaahi Daleys inay ku geeriyootay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Khadiija oo tiir dhexaad u ahayd Fankii noolaa iyo hobolladii Waaberi ayaa sanadkii 1936 ku dhalatay magaalada Baydhaba waxayna ahayd gabar Soomaalinnimadu ku weyn tahay.

1991-kii ayeey ka qaxday gudaha dalka, waxaana ay magan galyo ka heysatay dalka Canada oo ay ku nooleyd.

Si kastaba waxa aan alle kaga baryeeynaa haddii aan nahay bahda shabakadda Shaaciye in uu rabbi jannadii fardawsa ahayd ka waraabiyo, Aaam Aamin.

You might also like More from author

Leave A Reply