FIIRSO Sawirrada:- Ido La Gowracay Oo Lagu Soo Daadiyay Agagaarka Xarunta Degmada Howl Wadaag

0

Dadka degmada Hawl Wadaag ayaa soo toosay iyadoo degmada inteeda badan ay yaallaan neefaf ido ah oo inta la gowracay la soo dhigay agagaarka xarunta degmadaas.

Neefafka la gowracay ayaa ahaa ido, ha yeeshee waxaa la yaab iyo anfariir ku noqotay dadka deegaanka in Idaha loo dhigay laba labo, oo mid waxaa laga dhigay mid jiifa halka kan kalena laga dhigay sida mid fadhiya.

Naxdin iyo amakaag ayeey dadka weli dareemayaan, ha yeeshee weli wax hadal ah kama soo bixin dhanka degmada iyo maamulkeeda.

Si kastaba ha ahaatee weli lama oga cidda ka dambeysay arrinta iyo ujeeddka laga damacsanaa oo loo sameeyay, ha yeeshee maamulka degmada gaar ahaan waaxda Sayyidka ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan arrinta.

Haddaba Sawirrada Fiirso.

Ido 5
Ido 5
Ido 8
Ido 8
Ido 3
Ido 3

You might also like More from author

Leave A Reply