Dil Aan Horey Loogu Arag Soomaaliya Oo Ka Dhacay Magaalada Balad Wayne

0

Xaafadda Nuur Xawaad ee magaalada Balad Wayne warar naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Askariga la dilay ayaa ahaa mid kamid ah kuwa ugu saameynta badnaa magaalada, waxaana kooxda weerarka fulisay ay keligiis ku qasaarriyeen bam gacmeed, taas oo keentay in jirkiisa laba qeybood uu u kala dhaco.

In qof bam lagu qasaarriyo waa qariib, ha yeeshee waxaa ka sii qariibsan in jirka qofka uu laba u kala dhaco, oo uu kala barmo.

Si kastaba Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay sheegeen in uu ahaa murtad wayn sida ay hadalka u dhigeen, ka dibna ay ka qaateen qorrigii uu watay.

You might also like More from author

Leave A Reply