Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn Ku Sameeynaya Golahisa wasiirada &Wasiir aad ugu dhaw oo laga weyn doono?

0
A Madoobe 3 (1)
A Madoobe 3 (1)

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo Ee Xarunta u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegayaan in dhawaan madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxemd Islaam Madoobe uu isku Shaan-dheyn ku sameeyn doono Golahiisa wasiirada.

Isku Shaan-dheynta ayaa la tilmaamayaa in Axmed Madoobe uu Qorsheynayay  maalmihii u dambeeyay iyadoo qaar kamid ah golaha wasiirada laga yaabo in ay gabi ahaanba xilalkooda waayan , qaar cusub lagu soo daro iyadoo qaar kale oo hada ah wasiiro la sheegayo in xilalka loo kala badali doono.

Wasiirada xilkooda weyn doona ayaa Waxaa warar hoose sheegayaan in uu kamid yahay wasiirka Amniga ee Jubbaland C/rashiid janan oo Dhawaan tagay Magaalada Belad-Xaawo ee gobalka Gedo.

Sidoo kale wasiiro ku dhaw dhaw siyaasad ahaan Axmed Madoobe ayaa laga yaaba in ay xilkooda waayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply