Deg deg: Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka oo dhuusamareeb lagu xiray?

0

Xalimo

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa-banaan ee qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yarey” ayaa goor-dhaw lagu xiray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ee Soomaaliya.

Warar ay helnay ayaa sheegaya in Xaliimo Yarey ay dhuusamareeb ka qabtayn Ciidamada Ahlusunna waxaana la sheegay in la geliyay Xabsi guri, oo ku yaala dhuusamareeb.

Ciidamo ay wadatay ayaa sidoo kale la sheegay in hubka laga qaaday sidoo kalane la xiray.

Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo Warbaahinta maxaaliga qaar xiriir la sameeysay ayaa sheegtay in aysan ka hadlayn xarigeeda, balse Saraakiil ku sugan Dhuusamareeb ayaa arintaan xaqiijiyay .

Lama oga sababta ka dambeysa xarigga Xaliimo Yarey, balse waxa uu xarigeeda ku soo aadayaa xili ay maanta ka degtay magaalada Guriceyl ee Gobalka Galgaduud.

Sidaan oo kale Ahlusunna ayaa xalay 5 qof oo dumar ah ku xirtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply