Dowladda Madaxweyne Farmaajo Oo Loo Baqayo Bil Kadib XOG CULUS?

0

Baarlamaanka Cusub

Dowladda Uu Hoggaminayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmajo ayaa loo baqayaa wixii ka dambeeya bishan January 2018, gaar ahaan 8-Febraayo.

Xildhibaanno badan oo is uruursaday ayaa sheegay in mooshinkooda ay soo gabagabeyn doonaan ugu dambeyn bishan January dhammadkeeda, kadibna ay meesha ka saari doonaan madaxweynaha.

Farmajo ayaa haddii meesha laga saaro waxaa si toos ah u bixi doona xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Xildhibannada mooshinka wada ayaa kala ah kuwa Damul-jadiid, Aala-sheekh iyo sidoo kale xildhibaanno kale oo Labada dhinac aan ka tirsaneyn.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa sheegay iney ka go’an tahay iney eryaan Farmaajo, sababtuna waxay ku tilmaameen bil aan la qaban shaqo wanaagsan.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa quus ka taagan ka dhaadhacinta Xildhibaanada, in uu is badal la imaanayo qorshahiisana wax badan ka badali doono balse qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa diiday  kulan uu Farmaajo ugu wacay iyaga oo sheegay in u yahay nin been badan oo balamaha ku fiicneyn.

Inta badan xildhibaannada ku dheggan Farmaajo ayaa ku haysta arrimo ay shaqo ku leedahay xukuumadda maadaama ay fulintii iyada tahay sidoo kale balama badan oo horey u qaaday oo fuli  waayay.

You might also like More from author

Leave A Reply