FIIRSO: Boqorka Daarood Oo Farmaajo Guddoon Siiyay Hadiyad aan horay loo siin Madaxdii ka horeysay?

0

Farmaajo Qardho 4

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal dhulka ah ku maraaya, deegaano ka tirsan Maamulka Puntland dhawaana gaaray degmada Qardho ee gobolka Bari, ayaa halkaasi  soo dhoweyn dhaqameed diiran loogu sameeyay.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka beelaha Daarood ayaa hab maamuus sare u sameeyay, isagoona kusoo dhoweeyay nidaamka hidaha iyo dhaqanka, wuxuuna u gacan geliyay madaxweynaha faras lagu soo dhoweeyay oo hadiyad ahaan loo siiyay.

Soo dhoweyntaan ayaa ah tii ugu sareysay ee dhaqan ah oo lagu soo dhoweeyo madaxweyne Soomaaliyeed oo booqasho noocaan ah ku mara deegaanada Maamulka Puntland.

Waxaa xusid mudan in Madaxdii Farmaajo ka horeysay, aan maamus  nuucan ah loo sameyn  taaso ka dhigan  qabyaalad midii ugu xumeed.

MAHAAN HOOSE  KA  FIIRSO MUUQAALKA

You might also like More from author

Leave A Reply