Mas’uul Caan Ah Oo Qarax Lala Beegsaday Iyo Muqdisho Oo Qaraxyadu Ay Kusoo Badanayaan!

0

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay maanta qarixii labaad oo ay dad ku waxyeeloobeen, kaas oo ay mas’uuliyaddoodu sheegteen kooxda Shabaab.

Qaraxa ayaa ahaa mid lala beegsaday guddoomiye kuxigeenka degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa miinnada nooca dhulka lagu aaso.

Goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyay in uu ka badbaaday mas’uulka lala damacsanaa weerarkaas, ha yeeshee dad goobta ka ag dhawaa ay ku waxyeeloobeen.

Si kastaba ha ahaatee waa qarixii labaad ee maanta ka dhaca Muqdisho, waana mid kamid ah mararkii ugu badnaa ee ay Alshabaab Muqdisho qaraxyo ka fuliyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply