Dab Xooggan Oo Ka Kacay Muqdisho

0

Warar aan ka helayno xaafadda SYL ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir waxa ay sheegayaan in saakay saaladdii subax ka dib uu qabsaday mid kamid ah guryaha xaafaddaas dab ba’an.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dabka uu burburiyay qeybo badan oo kamid ah dhismayaasha ku hareerreysnaa guriga uu qabsaday.

Gaadiidka gurmadka deg degga ah ee dab demiska ayaa durba soo gaaray goobta, waxaana lagu soo waramayaa in weli dabka haraadigiisa uu jiro ha yeeshee xooggiisa la bakhtiijiyay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa soo badanaya guryaha dabka uu ka kacayo, waxaana sabab u ah korontooyinka dalka oo aan dammaanad badan u lahayn dabka iyo xilliga uu kaco.

You might also like More from author

Leave A Reply