Facebook maka xayeysiin laheyd si uusan waqti badan kaaga lumin xulashada Gabadha ama wiilka aad guursan laheyd (SHEEKO XIISA BADAN)!

0

“Waxey u maleynayeen in aan kaftamayo markii aan soo qoray inaan guursan doono gabar kasta aan la kulmi doono maalmo yar oo ka bilaabata maalintaas, si qosol qosol ah ayay uga faallooden iyagoo dhahaayo waa arin xiisa leh, 6/1/18, waan guursaday”.

Sidaasi waxa yiri Chidimma Obodoechina Amedu, oo ah nin u dhashay dalka Negeria uu guursaday gabadha uu jecel yahay noloshiisa 8 maalmood kadib markii uu facebook ah ku daabacay qoraal uu ku sheegay in uu doonaayo in u guursado marwo kasto an kula kulmo Internet ka.
ijeoma Amedu, oo gabar calaf doon aheyd oo comment ka bixisay ayaa sheegtay in ay xiiseynaayso guurka iyo in ay guri lawadaagto Chidimma.

Chidimma Obodoechina qoraalkii uu so post gareyay 30th Dec. 2017. Waxuu u qornaa sidan

“Waxaan ahay qof da’ ku socdo waxaan diyaar u ahay in an sameyo waxaan dhahay, ma doonayo in an dhumiyo waqti, Ii so dir codsigaada. Waxaan guursandoonaa midi ii qalanta January 6, 2018. Codsiga waxuu xirmayaa 12 habeenimo saqda dhex 31/12/2017. Aniga waxay iga tahay dhab arintan hadhihinina adinka ma’aanan arkin waqti loogu talagalay, Nasiib wacan “.

Ugu danbeyn, caruuska ayaa so bandhigay sawirada gabdha uu guursaday, waxuuna sheegay dadka in u maleynayeen in an kaftamaayo markaan so qoraayay in an baahanahay gabar an guursado. Waxay noqotay sheeko guuleysatay, mahadsanidiin dhamaantiin, hambalyo dhamaantiin.

Waxaa Qoray Cabdishakuur Cabdulle Geeseey

You might also like More from author

Leave A Reply