Daawo:- Xuutiyiinta Yeman Oo Digniin U Diray Soomaaliland

0

Muuqaal aan la hubin in uu rasmi yahay oo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya in koox indhaha u xiran ay hanjabaad iyo digniin hawada u marsiinayaan dhiggooda Soomaaliland.

Dhowr qofood ayaa muuqaalka kasoo muuqanaya, waxaana ay wataan calanka Soomaaliland, ha yeeshee waxa ay kaga digeen maamulka Hargeysa in faraha kula sii jiraan arrimaha Yeman.

“Waxa aynu nahay dad walaala ah, uma baahnin in aan is dhibaateyno, ha u oggolaanina cadowgeenna dekedihiina” iyo ereyo lamid ah ayeey ku tiraabayeen shakhsiyaadka muuqaalkan kasoo muuqday.

Fariinta ugu culus ayaa ah in Xuutiyiinta aysan raalli ka ahayn in is baheysiga Khaliijka Dekedo laga siiyo Soomaaliya iyo Soomaaliland, haddii ay dhacdana middaas ay ula dagaalamayaan si lamid ah sida ay Sacuudiga ula dagaalamaan.

Weli Wax war kama soo bixin dhanka Soomaaliland, ha yeeshee dad badan ayaa qaba in muuqaalkan uusan ahayn mid rasmi ah oo ka tarjumaya aragtida kooxda Xuutiyiinta Yeman.

You might also like More from author

Leave A Reply