Madaxweyne Shariif Xasan oo Tallo Muhiima soo Jeediyay?

0
Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Abaarta ku dhufata Soomaaliya ay u baahan tahay kahor ay iska kaashadaan Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka iyo Dowlad Goboleedyada.
Qorshaha kahor tagga ayuu ku sheegay in tahay Xalka rasmiga ah ee sabab u noqon kara in ay bad-baadaan dad badan oo dhibaatada abaarta dareema.
Talo ahaan waxa uu soo jeediyey in Marka ugu horeyso laga shaqeeyo Helista Nabad Waarta, kadibne la sameeyo Keydad Daawooyinka, Raashinka iyo Biyaha lagu Keydiyo, si loo isticmaalo kolka abaartu la dareemo.
Qorshahaan ayuu dhaqan galkiisa ku tilmaamay in ay tahay mid ay mas’uuliyin u baahan tahay iyo in si wadajir ah la isaga gaashado, waxa uuna shariif Xasan Tibaaxay in Soomaalida ay Muddo la daalaa dhaceyso Abaarta is xig-xigtay ee sanadii lasoo dhaafay dalka ku dhufatay.
Koofurta, Bartamaha iyo Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya waxaa sameysay abaartii ku dhufutay, waxaana Deegaanada Qaar wali ka maqan dadkii degenaa oo abaarta awgii ugu barakacay.
Hay’adaha Qaramada Midoobe ayaa lacago lagu samata-bixinayo dadka ay saameysay abaartu dalbaday, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya soo gaaray Kaalmooyin kala duwan oo beesha Caalamka kaga yimid, si wax loogu qabto dadka ku xoolo beelay abaarta.

You might also like More from author

Leave A Reply