Trump Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Halka Ay Tahay Caasimadda Maamulka Isra’il ?

0
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ay Qudus tahay Caasimadda Maamulka Isra’il.
Waxaana uu ku tilmaamay in tallaabadaan ay tahay mid soo daahday si Heshiis iyo Nabad loogu soo dabaalo Bariga Dhexe waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanku wada hadalsiinayo dowladaha Isra’il iyo Falastiin.
Go’aankaan inta aan lagu dhawaaqin ayaa waxaa ka digay Afhayeen u hadlay Xukuumadda Falastiin ee uu majaraha u hayo Maxamuud Cabaas oo sheegay in cawaaqib xumo halis ah ka dhalan doonto haddii lagu dhawaaqo.
Ugu dambeyn ayuu ku sheegay Trump go’aankaan mid Maslax u ah  Aqalka Cad islamarkaana ay ku heshiisiin karaan Isra’il iyo Falastiin.
Isra’il ayaa qabsatay Qudus 1967 Laakiin wixii xilligaas ka dambeeyay Caalamku uma aqoonsan in ay tahay qeyb ka mid ah Isra’il.
Waxaana Hadalka Trump uu ku soo beegmayaa xilli tallaabadaan ka hor ay Caalamka Islaamka si weyn uga soo horjeesteen.

You might also like More from author

Leave A Reply