Golaha Shacbaka oo Si Xikasnimo leh ugu Ka Hadlay Dhibaatada Soomaalida Liibiya?

0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir guddoominayay,  ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Yeman Cali C/lla Saalax oo dhowaan dalkaasi lagu dilay.
Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka dhalinyaradda Soomaaliyeed ku heysato dalka Liibiya oo ah marinka dhalinyaro badan oo tahriibayaal ah ka dib soo jeedin ay guddoonka golaha u soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ,wuxuuna sheegay in guddiga arrimaha dibada ee Golaha Shacabka looga fadhiyo in ay keenaan qorshe dhalinyarada Soomaaliyeed dhibaatada dalalka dibada  ku heysto looga soo badbaadinayo.
Intaasi ka dib waxaa loo gudbay Ajednaha kulanka oo ahaa qeybinta iyo akhrinta Qorshe howleedka guddiyada Golaha Shacabka ,waxaana guddi walba uu golaha ka hor jeediyay qorshe hawleedka golaha loo qeybiyay iyo qeybta  guddigiisa ka quseysa.
Guddoomiyaha golaha shacabka JFS,  ayaa sheegay in maadaamaa kalfadhigii koowaad Mudanayaasha golaha shacabka uu uga dhammaaday dhisida hay’addaha dowladda ay guddiyada joogtada ah kalfadhigan dadaal geliyeen sameynta qorshayaashii ay ku howlgeli lahaayeen.
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray,  ayaa sheegay in guddi walba looga baahanyahay inay kawada shaqeeyaan hir gelinta qorshayaasha maanta la qeybiyay, wuxuuna sidoo kale guddomiyaha uu sheegay in 16-ka Bishan ay xirmi doonaan kulamada guud ee golaha Shacabka.

You might also like More from author

Leave A Reply