Maxaa Ka Qaldan Khudbadaha Ra’iisul Wasaarre Kheyrre?!!!

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa weli ku jira maalmihiisa khudbadaha iyo is qaad qaadka, ha yeeshee dad badan oo naqdiya siyaabaha soo jeedintiisa ayaa aaminsan in Kheyrre khudbadihiisa ay iyaga uun is xir xirayaan.

Mar walba oo ay badato hadalkaaga waxaa bata gefkaaga iyo isdhaafka ereyadaada, si taas lamid ah ra’iisul wasaaraha ayaa maalin ba meel la istaago khudbad lamid ah tii taas ka horreysay.

“Soomaaliya waa ay soconeysaa! barwaaqo ayaan idin soo arkay!, geeddiga meel fiican buu ku furanayaa!” iyo ereyo lamid ah ayaa ka wada buuxa khudbaha Kheyrre, waxaana la aaminsan yahay in ay dhibaatadu tahay kooxda ku qorta khudabaha, kuwaas oo aan aqoon badan u lahayn mowduucyada iyo sida loo abbaaro.

 Si kastaba ha ahaatee waxaa jiro qaladaad farsamo oo ka dhaca mararka qaar madaxda sare, ha yeeshee Khyerre ayaa ah kan ugu badan ee gala qaladaadkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply