FIIRSO: Madaxweyne Ku-xiggeenka Hir-shabeelle oo Kulan La Qaatay Saraakiil Boolis ah?

0
Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta  magaaladda Jowhar, kulan qado sharaf ah ugu sameeyey saraakiil Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan amaanka  iyo tababarka Ciidanka amaanka ee ka howlgala deegaanada maamulka Hirshabeelle.
Mudane Cali guudlaawe, ayaa saraakiishii uu kulmay oo loo xilsaaray in hirshabeelle ay kala shaqeeyaan tababarka Ciidamada Booliska kula dardaarmay  inay  tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo Ciidanka amaanka ay joogto u  siiyaan, ayna kaalin weyn ka qaataan nabadeynta deegaanada maamulkaasi.
Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ee Hirshabeelle u aaday tababarka Ciidanka amaanka ee maamulkaasi, ayaa qeyb ah qorshaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya  ay wado ee ku aadan in Maamulada dalka ka jira laga caawiyo   tababarka  iyo qalabeynta  Ciidanka Nabad gelyada ee qaabilsan amaanka gudaha.
Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeele Mudane Cali guudlawe, ayaa had iyo jeer dheeri galiya Ciidanka ka Howlgala deeganadaasi.
1 4
1 4
2 1
2 1
2 1 1
2 1 1

You might also like More from author

Leave A Reply