FIIRSO: Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo dhagax dhigay Halka- aay ku shaqeyn doonaan Wasiirada Hirshabelle?

0
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseeen ayaa dhagax dhigay  xarun loo dhisayo Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah xildhibaanada  Baarlamaanka Hirshabeelle, wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe.
Ku simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna  Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe  ayaa u mahadceliyay Hay’adda UNDP oo maalgelinaysa dhismaha xarunta waxana uu sheegay in dhismahan uu yahay mid muhiim u ah  adeegyada wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Dhagax dhigga xaruntan ayaa ku soo beegmaysa toddobaad kadib markii uu ku dhowaaqay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Gole Wasiiro.
22
22
33
33
44
44
55
55
66
66
77
77
88
88
99
99

You might also like More from author

Leave A Reply