Sawirro: Shirkii Amniga oo la soo gaba gabeeyay ?

0
Wajiga 2-aad ee shirkii London ee arrimaha Soomaaliya, islamarkaana madaxda Dowladda Fedraalka ah, kuwa Maamul goboleedyada dalka  iyo Beesha caalamka uga socda Magaaladda Muqdisho, ayaa maanta la soo gaba gabeeyey, iyaddoo la filayo in laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan qodobadii looga hadlay shirkaasi.
Wajigii labaad ee Shirkaasi, ayaa waxaa maanta laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowladda sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga.
Sidoo kale Raiisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qeybaha dambe ee shirkaasi guddoomiyey, isagoo ka hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka iyo xoojinta  wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.
Shirka,  ayaa warbixino ku saabsan qabsoomida doorasho qof iyo cod siddii dalka ay uga dhici laheyd  looga dhageystay Wasiiradda Dastuurka, Qorsheynta, arrimaha gudaha, Haweenka iyo Guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee  doorashooyinka Qaranka, waxaana gabagabada shirka jaanis la siiyey beesha caalamka oo iyagguna ka hadlay aragtidooda.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa Wariyeyaasha u sheegay in u jeedada shirkaan ay aheyd siddii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlay, isagoo xusay in Wajigii labaad ee shirka London laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 48 qodob, warbaahintana ay la wadaagi doonaan dhowaan.
Shir 3 640x427
Shir 3 640×427
Xoosh 2 640x427
Xoosh 2 640×427
Xoosh 4 640x427
Xoosh 4 640×427

You might also like More from author

Leave A Reply