Sawirro: Ganacsato Caana oo ka cabanaya Lacago Malaayiin dollar ah oo laga lunsaday?

0
Ganacsatadani Soomaaliyeed oo maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa Cabasho ballaaran ka muujiyay Shirkado Ganacsi oo ka kala diiwaan gashay Magaalada Muqdisho iyo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kuwaas ka lunsaday Lacago Malaayiin dollar ah oo ay uga qaateen keenista Badeecooyin arrimo la xiriira.
Qaar ka mid ah Ganacsatadaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Lacagahooda ay lunsadeen Shirkadaha ASMJ iyo Shirkad kale oo lagu Magacaabo Teysiir kuwaas oo ay shaaca ka qaadeen in ay yihiin Hal Shirkad oo kaliya.
Waxaana shirkadahaas xatooyada ku sameeyay Lacagaha Ganacsatada Soomaaliyeed Hormuud u ah shaqsiyaad lagu kala Magacaabo Yuusuf Macallin Axmed Qandaf iyo weliba Cabaas Sheekh Maxamed Jimcaale.
Ganacsatada ayaa cod dheer ku sheegay in shirkadahaan ay uga maqan yihiin Lacagaha dhan 27 Million oo dollar sidaas daraadeed dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay gacanta ku soo dhigaan Shirkadahaasi iyo weliba Shaqsiyaadka Hormuudka ka ah oo ku sugan dalka si looga soo celiyo hantida Ganacsatadaasi Soomaaliyeed.
Dhinaciisa Ganacsade Maxamuud Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada ugu waaweyn dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in Maxkamad la soo taago shaqsiyaadka lunsaday hantidooda oo isugu jira kuwa ku kala sugan dalka iyo dibaddiisa islamarkaana haatan Madaxda dowladda Somalia hoosta uga jira si u daboolaan dhaca qaawan ay sameeyeen.
Ugu dambeyn Ganacsade Maxamuud Cumar Cadaan ayaa shaaca ka qaaday in Hanti laga lunsaday ay ka sabri karaan balse ay ka aamusi waayeen kuwa ku sameeyay falkaas oo weli hanaan u muuqda jees jees ugu naaloonaya Magaalada Muqdisho iyo dalka qeybihiisa , sidaas daraadeed ayuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa waxa uu ugu baaqay in arrintaas ay wax ka qabtaan islamarkaan guddi xaqiiqo raadin ah loo diro si ay u soo ogaadaan xaqiiqada arrintaan.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa u soo dhabar adeegay dhibaatooyin kala duwan mudadii bur burka dalka waxaana arrin la yaab ah noqotay xilli dalka ay ka jirto dowlad loogu Magac daray Dowladdii Shacabka in si cad loo lunsado hanta ay leeyihiin oo gaareysan Malaayiin dollar hadana dadkii uga qaatay lacagahaasi in ay ugu kenayaan badeecooyin ay si Nabad ah weli uga sii shaqeystaan dalka oo nidaam iyo kala dambeyn leh.
Xafiiska shaaciye.com Muqdisho sahalmedia@gmail.com
11 1
11 1
22
22
33
33
24581410 1499772250143241 961338597 N
24581410 1499772250143241 961338597 N
24726799 1499772506809882 1608324730 N
24726799 1499772506809882 1608324730 N
24726816 1499772626809870 619600853 N
24726816 1499772626809870 619600853 N
24726909 1499772196809913 1298087570 N
24726909 1499772196809913 1298087570 N
24726914 1499772516809881 531353120 N
24726914 1499772516809881 531353120 N
24740498 1499772200143246 2076420487 N
24740498 1499772200143246 2076420487 N
24740833 1499772553476544 425705261 N
24740833 1499772553476544 425705261 N
24824293 1499772486809884 883061958 N
24824293 1499772486809884 883061958 N
24824593 1499772633476536 428113482 N
24824593 1499772633476536 428113482 N
24829370 1499772560143210 2052517229 N
24829370 1499772560143210 2052517229 N
24891400 1499772493476550 550499352 N
24891400 1499772493476550 550499352 N

You might also like More from author

Leave A Reply