Madaxwayne Farmaajo Maka Aar Gudan Doonaa Uhurru Kenyatta Wixii Uu Sameeyay Caleema Saarkiisa? (Fallanqeyn)

0

Madaxwaynaha Soomaaliya MAxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa ka qeyb galaya caleema saarka madaxwaynaha markale la doortay ee dalka Kenya mudane Uhurru Kenyatta, kaas oo doorasho ku celis ahayd markale ku guuleystay.

Wufuud heer caalami ah ayaa kasoo qeyb galeysa caleema saarka ha yeeshee waxyaabaha lasii calaamadeynayo waxaa kamid ah ka qeyb galka Farmaajo iyo ka falcelinta dhaqankii Uhurro ee caleema saarkii Farmaajo.

Madax ay kamid yihiin Uhurru Kenyatta iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa kasoo qeyb galay caleema saarka Farmaajo, ha yeeshee waxa ay sameeyeen dhaqanka ku cusub munaasabadaha noocaas ah.

Labada mas’uul ayaa dhowr daqiiqo uun kusugnaa hoolka munaasabadda, mid kasta ayaa ka tagay goobta markii uu khudbaddiisa qaatay, taas oo liddi ku ah hab maamuuska munaasabadaha caleema saarka.

Dadka qaar ayaa aaminsan in middaas laga qaadan karo yasmo iyo liidid dhanka amaanka magaalada Muqdisho, maadaama ay sheegeen in aysan sii joogi karin.

Farmaajo waxaa la gudboon laftigiisa in uu sameeyo fal celin middaas oo kale ah, waaba haddii la siiyo khudbad uu ka jeediyo munaasabaddaas.

Si kastaba ha ahaatee madaxwayne Farmaajo ayaa kamid ah mas’uuliyiinta lagu casuumay kasoo qeyb galka munaasabadda caleema saarka madaxwayne Uhurru Kenyatta.

You might also like More from author

Leave A Reply