MEYTA-KAAL (Sheeko gaaban oo curis ah)

0

MEYTA-KAAL.

Qeybtii 2-aad.

Markii Aniga iyo labadii Wiil ee Hilibka ka caagganaa aan Badarkii ka dheregnay, ayaa Aniga la iiga yeeray Weelkii aan horey uga soo baxaye ay Odayaashu Maraqa nooga dareen Caanihii macaanaa ee aan Meseggada ku dhuuqeynay.

Hilib dhowr Xibnood ka kooban ayaa isla Weelki lagu soo riday, markaasaa Odey kasta Toorreydiisii la soo baxay si uu u daliiqo Hilibka halkan ka buuxa.

Odayaashu waxay si gaar ah u xulanayaan Hilibka kan Caddiinta leh, Lag Idaad oo ay jar jareen iyo Bari dhowr Cad loo qeybiyey ayey cantuugo ku billaabeen, halka aan Anigu la booday Xibin-gaab wada Jiir ah maadaama aanan Baruurta jeclayn.

Adeerkey oo arkaya Xibin-gaabta aan la rafanayo ayaa is heyn waayey markaasuu inta Middidiisi kusoo muday Cad bari ah igu yiri ” hoo Jiirta ku gooso”. Waxaan u sheegay inaanan Caddiinta jeclayn, markaasuu haddana Toorreydiisa iigu tilmaamay Sarar iyo Garab inaan midkood isku dayo.

Adeerkey ayaan dabadeed ka codsaday inuu Sararta ii jeexo maadaama aan ka dambeeyo Feenashada Feeraha Ariga.

Dabadeed, markii Dadku cunteeyeen ayaa Martidii loo sheegay inay seexdaan si berri aroortii halkan loogu wada quraacdo, Badar iyo Hilib kale ayaa loo reebay Quraacda.

Guddoon marki la yiri, ayaa sida dhaqanku yahay laga codsaday inuu duceeyo Nin Odey ah oo Beelaha deegaanka tan curadka u ah kasoo jeeda.

Odaygii ayaa dabadeed Ducadii billaabay, Meytada uu u duceeyey ka sokow, wuxuu Reerka ku dul shubay Duco ka kooban Erayo aan is iri ” waxay ku aroorayaan qaab Suugaaneed aan xaraf ku socon”.

Waxaan si gaar ah uga helay Erayadan:
-Cadowgiina cagta ka hoos
-Sabuullo la tumay, siigo la bitiyey Allaha ka dhigo.
-Hal haaday iyo mid heybsha Allaha ka dhigo.
-Mid jabay iyo mid kabaaya Allaha ka dhigo.
-Hal dhintay iyo mid duugaaya Allaha ka dhigo.
-Cudurkiina Dameer Faraw ah feysha Allaha ugu xiro.
-Mid buka iyo mid baaninaaya.
-Ilaahey idankiis, idankeena maahee.

Cod sare ayaa ducadaas lagu aamiinsaday, markaasaa Odey kasta qaabeystay halkii uu seexan lahaa. Barkimo qoorta loo dhigtaa ma jiraane Nin kasta Shaarkiisii iyo Suunkiisi Kiishka ahaa ayuu barkaday.

Anigu intaanan seexan ayaan iri ‘Bannaanka u faalal tag’. Meel Gagalin Geel ah oo aan goobta la joogo ka fogeyn, ayaa aan ugu tagay Afar Wiil oo yar yar, waxaan Da’dooda ku qiyaasay 14 jirro, waa ay Legdamayaan.

Inyar markii aan daawaday ayaan ku yara mashquulay midkii Wiilasha ugu bar yaraa, Macawis iyo Funaanad garbaha saddex Alif ku leh ayuu xiranyahay, dhaxanta jirta Go’ uu ka hugto ma heysto. Waxaan weydiiyey ‘ sow dhaxani kuma heyso….aaway Go’aagii?, markaasuu iigu jawaabay ” xagga ayaan uga soo tagay laakiin Dhaxantu ima kartoo Seedahayga ayaan huwadaa”.

Indho yaab leh intaan ku dayey ayaan ka dhaqaaqay markaasaan jiif tegay. Markii Waagu bari ka dillaacay ayaa hurdo macaan la iga toosiyey, Dadkina soorid lagu billaabay, badar iyo Caano Lo’aad oo fadhi ah ayaa feeraha la saaray, Hilib aysan Dadkii wax badan ka cunin ase ay dhigteen, si ay Reeraga ugu geeyaan ka dib, inta la faataxeystay ayaa lagu kala dareeray.

Aniga iyo Adeerkey oo Jarmaado ah ayaa gurigii tagnay. Xoolihii ayaa la agaasimay markii Carruuta Caano looga lisay.

Adeerkey, Xoolaha uu dhaqdo waa Ari iyo Geel. Daajinta Xoolaha Dadku waa kala leeyahay oo Ariga soofintiisa Gabdhaha ayaa qaabbilsan, Maqasha iyo Waxarahana Carruurta, halka Labada Wiil ee Ilmaha Adeerkey ugu roonna Geela lagu ogyahay.

Aniga, Adeer iyo Wiilkiisa roon ayaa is daba kacnay si aan Geela u agaasinno, Nirgahana uga reebno. Ma ogiye Adeerkey maanta wuu iga farxin rabaa. Golihii Geela, anaga oo dhex wareegeyna ayuu ku ag hakaday Qaalin ugub ah oo rimman, Caloosha ayaa weyn, Candhaduna waa ay bararantahay. Maalmaha ayaa loo tirinayaa, ma berri mise saa dambe ayey foolan doontaa ayaa xaalkeedu yahay.

“Hashaas xagga taagan ayaa Qaalintan dhashay” intuu Adeerkey yiri ayuu isoo deymooday oo hadalkiisii raaciyey ” mar haddii Wiilkeygu salaan iigu yimid oo Safar dheer salaanteyda usoo galay, ayaan Maandhoow jeclaystay inaan ku xuddumo, hashaanna adaa leh laga billaabo maanta”. Intaan farxad la booday ayaan adeerkey isku duubay oo intaan ka fuqay Hashii garbaha ka salaaxay.

Maalintaas oo dhan farxad darteed ayaan Geelii daba socday, mar haddii aan Xoolihii iigu horreeyey aan milkiyey.

Labo maalmood ka dib, aroor hore ayaa Adeer golihii Geela ku hiireystay, si uu u ogaado xaalka ay Ina Goodir ku waa bariisatay. Wuxuu tagay Geelii oo intii kale Golaha fadhido, marka laga reebo Qaalintii foosha laga ilaalinayey oo Xerada ka maqan.

Intuu hurdada naga toosiyey Aniga iyo wiilkiisii Rooble, ayuu nagu yiri “kaca oo ka dabataga Hashii waa fool-tagtaye, orda…waa Ugube yaysan Canugga diline”.

Intaan jiifka ka boodnay, ayaan kala orodnay oo Raadkeedii daba galnay.in cabbaar ah haddii aan saaminnay, ayaa Rooble igu yiri “aan Buurtaas dusheeda korno, si aan bidhaanteeda uga eegno Dooxa iyo degaandegga, meelahaas ayey u daaqsin tagi jirtay inta badane”.

Horey iyo hareeraha intaan qooraansannay ayuu Madaxeedi ka arkay geedaha Dooxa naga hooseeya. “Waa taas” ayuu igu yiri isaga oo gacantiisa iigu tilmaamaya.

Hardaddaf inta niri oo saanta boobsiinnay ayaan u tagnay iyada oo Geed hareeri ah daaqeysa, Canug yar na lugaheeda hore dhex jiifo.

Rooble ayaa si aan cabsi lahayn inta Hashii u hoos galay Canuggii fiir fiiriyey oo si farxad leh u yiri ” Hashi Nirig”!! Oo uu ula jeeday inay Nirig ku curatay.

Qurux badanaa!!!, inta Hashii gees isaga dhaqaajiyey cabsi darteed, ayaan ag kadaloobsaday oo Dhegaheedii yar yaraa salaaxay, farxadda i heysaa ma maleyn kartid.
Intaan Nirigtii kicinnay ayaan Tunka u ritay oo afarteedii lugood Garbaha ka laad laadshay, markaasaan ku hor qaaday Hashii oo iga daba ololeysa, si aan ugu sii dhaweeyo Jilqab daaqsin wanaagsan leh.

Dhammaad.
Qore: Qaasim Cabdulle Nero.

You might also like More from author

Leave A Reply