Jubba-land oo Qabatay Nin Dhacay Hanti ay Lahaayeen Xildhibaanada ?

0
Maamulka Jubba-land ayaa sheegay  in ay gacanta ku dhigeen nin dhacay Hanti ay lahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Wasiirka Amniga maamulka Jubba-land Cabdirashiid Janan oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulkaas ayaa sheegay in ninka uu dhac kasoo geystay Magaaladda Baydhabo islamarkaana uu usooo baxsaday dhanka maamulka Jubba-land.
“Nin dhacay hanti ay leeyihiin Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaan gacanta ku dhignay,dib ayaa loogu celiyay Magaaladda Baydhabo, shirka amniga ee isna ka furmay Magaaladda kismaayo waa mid u muhiim ah Maamul Goboledyadda iyo dowladda Dhexe ee Soomaliya”, ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

You might also like More from author

Leave A Reply