(Xog Ammaan) Waxyaabaha Ay Tahay In Aad Ogaato Ka Hor Inta Aadan Ka Qeyb Galin Munaasabadda Kacdoonka Nabadda!

0

Kacdoon loogu magac daray kan nabadda ayaa la rejeynayaa in dhowaan magaalada Muqdisho uu ka dhaco.

Dhallinyaro ayaa soo qaban qaabisay, halka la doonayo in ay kasoo qayb galaan dhallinyaro kale si nabadda loo qaato.

Dhowr jeer oo horey ayaa la iskugu dayay in la qabto bernaamijyo noocan oo kale, ha yeeshee mar walba waxaa jiray cabsi xooggan oo laga qabay dhanka ammaanka.

Xeeldheerayaasha ayaa ka degay aadidda bernaamijkaas loogu magac daray Kacdoonka Nabadda kaas oo ay soo qaban qaabiyeen qaar katirsan shaqaallaha Villa Soomaalia iyo kooxdii Fursad Fund.

Dadka ka digaya kulankaas waxa ay cuksanayaan dhacdooyin kuwan oo kale ah oo horey dalka kaga dhacay.

Sannad ka hor ayeey ahayd markii shir looga hadlayay arrimaha ammaanka lagu qabtay hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana xilligaas la iskugu yeeray qaar badan oo kamid ah dhallinyarada Gobolka Benaadir iyo kuwa baraha bulshada saammeynta ku lahaa.

Waxaa dhacay qarax xooggan oo ay dad badan ku le’deen, sida muuqata wuxuu ahaa mid loo soo abaabulay kulankaas sida maanta loo abaabullayo shirka kacdoonka Nabadda.

Anagoo sidoo kale ka shidaal qaadaneyna dhacdo lamid ah tan oo kal hore ka dhacday Hotel Oriental ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Hoteelkaas lagu qabtay shir wayne lagu sheegay in uu ku saabsan yahay mowduuc u dhow kan oo ahaa Nabadgelyada, sida muuqata waxaa xilligaas dhacay qarax aad u xooggan oo ay mas’uuliyaddooda sheegteen kooxda Xagjirka ay ee Alshabaab.

Marka aan iskusoo xooraammino dhacdooyinkaas iyo kuwa kale oo lamid ah,  lagu daray qatar ammaan oo todobaadkii hore la sheegay in ay kusoo wajahantahay Airport ka waxa soo baxaya in ay tahay mid aad u halis ah ka qeyb galka Kacdoonka Nabadda.

Qaban qaabiyayaasha ayaa ugu talagalay in bandhiggan lagu qabto hoolka Sahal oo ah mid kamid ah Hoolalka ugu dad qaadka badan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana uu ku yaalla afaafka hore ee Garoonka doyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa dhici karta in digniinnihii lasii bixinayay ay ku wajahan yihiin dhacdadaas la qorsheynayo in inkabadan 1,500 ruux lagu casuummo.

In tiradaas ay kasoo qeyb galeyso waxaa caddeymo kugu filan in Horaan qaban qaabiyayaasha munaasabaddaas ay uga dalbadeen shirkadda sameysa naqshadaha ee Daa’Uus in kabadan 1,500 fanaannad ay ku xar dhan tahay magacaas iyo astaan kale oo ah midda madaxa lagu xirta oo marka midabkeedu yahay Caddaan.

Si kastaba ha ahaatee tani waa digniin, ay jeedinayaan qaar kamid ah dadka xeeldheerayaasha ku ah arrimaha ammaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply