Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqaya Golihiisa wasiirrada

0
Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaa ka socda u diyaar garowga munaasibadda ku dhawaaqidda Golaha wasiirrada cusub ee uu yeelanayo Maamulkaas.
Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhameystiray liiska golaha wasiirrada Maamulkiisa,waxaana la filayaa in uu ku dhawaaqo saacadaha soo socda.
Tirada Golaha wasiirrada ee uu diyaariyay Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu sheegayaa in ay gaarayaan 54 Wasiir Gole ka kooban,waxaana ka mid noqonaya kuwa hadda xilka haya.
Sidoo kale Wasiirradan ayaa tirada ugu badan waxa aay yihiin Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle gaar ahaan kuwii ka shaqeeyay xilka qaadistii Cosoble.
Warar aanu ka heleyno Jowhar waxaa ay sheegayaan in Maxamed Cabdi Waare uu diyaarinayo ku dhawaaqista Golaha wasiirrada iyada oo beelaha qaar ay wali qabaan dood la xiriirta saamiga Golaha wasiirrada ee Hirshabeelle.

You might also like More from author

Leave A Reply