Qofkii labaad oo lagu dilay Kaaraan Iyo Cabsi Taagan?

0
Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa caawa Nin shacab ahaa ku dilay Waaxda Nageyle ee degmada Kaaraan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Maamulka Degmada.
Raga dilka geystay ayaa dhowr xabadood qeybta sare ee jirka kala dhacay, Nin si aad ah looga yaqaanay Xaafadaha Kaaraan oo xiligaas ku sugnaa waaxda nageyle, waxa uu Ninka la dilay laba jid uun ujiray meel ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan maamulka degmada.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Cadaawo “ Maxamuud Dheere”, ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaasta lagu dhuftay waxaa loola cararay Isbitaalka Keydsaneey ee Degmada Kaaraan, balse inta aan lala galin qeybta caafimaadka ayuu ugeeriyooday dhaawaca ka soo gaaray Xabadaha Madaxa kaga dhacay.
Ciidamo katirsan Dowladda ayaa durbaba gaaray halka uu dilka ka dhacay, waxeyna goobta ka sameeyeen howlgal ay ku baacsanayeen dadka dilka geystay, waloow ay soo laabteen iyagoo fara maran.
Waxa ay noqoneysaa qofkii labaad oo lagu dilo Degmada Kaaraan, wax ka yar 15 Saacadood, Salaadii subax ee Saaka, Askari katirsan Ciidanka Dowladda ayaa toogtay Nin waayeel ahaa oo usocday Masjid uu Salaada ku soo tukado.
Wasiirka amniga Somaliya, Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle oo tagay Kaaraan ayaa Maamulka amray in gacanta lagu soo dhigo askarigii dilay wadaadka waayeelka ahaa, si Cadaalada loo horgeeyo.

You might also like More from author

Leave A Reply