Xildhibaanada K/Galbeed:- oo Guddoonka Baarlamaanka Sharuud Yab leh ku Xiray?

0
Xildhibaano katirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo sheegay in ay gaarayaan 118-mudane in loo diiday in ay qaataan lacagaha gunnooyinka ah oo Bilooyin ka maqnaa.
Xildhibaan Feysal Cawad Cumar Shiikh Siciid oo katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta  ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ugu baaqay in uu is casilo ama uusoo dhiciyo Gunnooyinka ka maqan.
Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Lacagaha Gunnooyinka loo diiday ee uu ku jiro ay la xiriireen, balse uu u muujiyey in uusan waxba ka qaban Karin arrintaan.
Dhanka kale Xildhiban Amiin Max’ed Faarax oo kamid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee lacagaha loo diiday ayaa Warbaahinta u sheegay in aysan ku gor-gortami doonin Gunnooyinkooda.
Waxa uu tibaaxay in Madaxweyne Shariif Xasan uu Gumeysi ku hayo Xildhibaanada Mooshinka ka wada, balse Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayuu ku tilmaamay in uu ula dhaqmay si liidato sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibanada ayaa dhanka kale sheegay in uusan marnaba badalmi doonin mowqifkooda ah in ka gun gaarista Mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Tan iyo Shalay warar soo baxaye ayaa sheegaye in Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee Mooshinka ka wada Madaxweyne Shariif Xasan ay dib ugu laabteen, kadib markii la sheegay in lacago lasiiyey, inkastoo Xildhibaanada Kolkii dambe ay beeniyeen.
Xiriir aan la sameeynay Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed si ay iyane kaga hadlaan eedeenaha ka dhanka ah, balse Ma suurto galin in Wicitaanadeena ay ka Warceliyaan.

You might also like More from author

Leave A Reply