Sawirro: Caruurta Ku dhalata Degmooyinka Qaar Muqdisho oo loo Baxsho Khayre Iyo Farmaajo Sida Maanta dhacday?

0
Maamo Istar Cabdi Maxamed oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo Muqdisho ku dhashay laba Caruur Mataano ah ay waxay ugu magac dartay Farmaajo iyo Khayre oo ah Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha Somalia.
Waxay ka sheekeysay dhibaatadii ay ka martay dhalida caruurtan mataanaha ah waxayna sheegtay inay dhasheen iyagoo aan Bilo dhameysan oo uurka ku jira mudo todobo Bilood ah.
“Waqti Galabnimo ah 5:30 ayay fool i qabatay saacado yar kadibna waan dhalay laakiin waxay dhaqaatiirtu ii sheegeen in ilmahan ay u baahan yihiin in dhalo lagu koriyo waxaana maalintii loogu kireynayaa 50 dollar, aniga ma awoodin balse Nin ay Odaygeyga saaxiibo yihiin ayaa iga bixiyay lacagtii mudo Shan Maalmood ah” ayey tiri Hooyo Istar.
Caruurta ku dhalata Degmada Dayniile iyo Xaafada Xararyaale, oo ka mid ah Degmada Warta nabada ayaa wixii ka danbeeyay 8 Feberayo, waxa ku soo badanayay Caruurta loo baxsho Khayre iyo Farmaajo taasi muujinayso taagerada Beelaha qaar u haayan Dowladda.
Ugu dambeyn Hooyo Istar ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed iney adeecaan Madaxda dowladooda kuna daydan ayada .
Capture 2
Capture 2
Hooyo
Hooyo

You might also like More from author

Leave A Reply