Sawirro: Faa’iso C/rashiid oo deeq lacageed gaarsiisay qoysas Ehelkoodii ku waayay Qaraxii Zoobe

0
Qaar ka mid ah ehelka dadkii lagu xasuuqay weerarkii Soobe ee 14-kii October ayaa maanta la gaarsiiyay deeq lacageed oo ay soo ururisay Faa’iso C/rashiid Cabdi Cismaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd ciidanka XDS una naafowday difaaca Qaranka Soomaaliyeed.
Deeqdan oo gaareysay $4,788 (Afar kun todoba boqol sideed iyo sideetan dollar) waxaa Faa`iso ay ka soo gurtay jaaliyadaha dibadda iyo qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Kenya.
Agaasimaha Calan Qaran C/shakuur Xuseen Maxamed ayaa deeqdan lagu soo hagaajiyay waxaana loo qeybiyay 16 qoys oo kiiba la siiyay $300 oo ay ku kaalmeystaan nolol maalmeedkooda.
“Waxaan halkan u joognaa maantay, deeq ay soo ururisay Walaasheen Faa`iso Wadani oo ah gabar Soomaaliyeed oo u naafowday Qaranka, waad taqaanaan Faa`iso waxaa la geeyey Turkiga oo wax looga qaban waayay, markii ay Muqdisho timidna waxaa madaxda Qaranka u ballan qaadeen in Jarmalka loo qaadi doono laakiin waxaa dowladda Soomaaliyeed geysay Nairobi oo hadda iyadoo wali aan caafimaad helin ka soo ururisay deeqdan” Sidaas waxaa yiri C/shakuur Xuseen oo Saxaafadda kula hadlay Taallada daljirka Dahsoon oo qoysaska loogu qaybiyay kaalmadii maanta.
“Maadaama Faa’iso aheyd gabar nafteeda u hurtay Qaranka, haddana maanta aad aragtaan dadaalkeeda waliba iyadoo caafimaad u baahan lacagtii ay soo gurtay walaalaheed u soo dirtay, maxaa nala gudboon? Ma inaan garab istaagno mise inaan indhaha ka daawanno?” ayuu is weydiiyay C/shakuur oo lacagta loo soo wakiishay.
Faa`iso waxaa loo soo helay Visa caafimaad oo dalka Jarmalka ah laakiin waxay u baahan tahay $200,000 (laba boqol kun oo dollar) si` Caafimaadkeeda loogu howl galo waxaana qarashka ku baxaya Caafimaadkeeda uu yahay mid laga rabo shacabka Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyeed ayaa caan ku ah iscaawinta iyo is gargaaridda waxaana rajo wanaagsan laga qabaa in Faa`iso caawin doonaan dadkeeda Soomaaliyeed.
Faa’iso C/rashiid oo hadda ku jirta Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ayaa ku dhiban halkaasi,waxaana Faa’iso qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya  si dalka dibaddiisa loogu daaweeyo,balse weli waxaa ay ku dhiban tahay Dalka Kenya,iyadoo ay Xusid mudan tahay in Faa’iso oo u baahan in la garab Istaago ay iyadu dhexda u xiratay in ay Gargaarto Shacabkii Soomaaliyeed ee lagu Xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Img 0263
Img 0263
Img 0267
Img 0267
Img 0269
Img 0269
Img 0271
Img 0271
Img 0275
Img 0275
Img 9140
Img 9140

You might also like More from author

Leave A Reply